Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lagu xukumay kufsi uu u geystey haweeney hurudda

La daabacay måndag 3 mars 2014 kl 17.03
Sawirle: Heiko Junge/TT

Nin ku jira da’da afartameeyada ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dacwo ahayd in uu kufsaday qof dumar ah iyadoo hurudda, isla markaasna uu sawiro ka qaaday naagtaas gabar ay dhashay iyadoo musqusha ku jirta. Sidaasna waxaa soo werisey iadaacadda telefishanka ee SVT.

Wuxuu kaloo ninkaani sawiro naftiisa markii uu kufsanayey qofkaas dumarka ah oo ahayd mid uu xilligaas la noolaa. Qoftaas dumarka ahi ayaa huruddey marka uu kufsiga u geysanayey oo sawirada ka qaadayey. Qoftaan dumarka ah ayaa sheegtey in ay qaadatay kniiniga hurdada hurda-la’aan awgeed.

Waxaa kaloo ninkaan lagu helay eedeyntii ahayd in uu si qarsoodi ah sawiro uga qaaday gabadha ay haweeneydaasi dhashay oo musqusha ku qubeysaneysa. Wuxuu isku dayey in uu kaamirada ku qariyo dambiisha dharka wasakheysan lagu guro, laakiin gabadha oo xilligaas aan qaangaar ahayn ayaa aragtay oo isaga u sheegtay kaamirada meesha taal.

Ninkaani ayaa qirtay dembiga kufsiga ah oo lagu soo eedeeyey, laakiin wuxuu ku dooday in sababta ay kaamiradu musqusha u taalley ay ahayd in uu marka uu kusqusha ku jiro u isticmaali jirey in uu jirkiisa ku kontaroolo. Waxaa kaloo ninkaan lagu xukumay magdhaw kala ah 165000 karoon oo uu siiyo haweeneyda iyo 7000 karoon oo uu siiyo gabadha.

Isha: SR International

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".