Xisbiga xagjirka midigta Svoboda ee Ukraina oo horraantii febraayo bannaanbax ka dhigay magaalada Kiev. Sawirle: AP Photo/Emilio Morenatti/TT.

Kooxo iswiidhish naasiste ah oo u kicitimay Ukraaiina

Dad gaaraaya labaatan qof oo iswiidhish ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqyada naasiistaha ayaa u dhoofay Ukraaiina, kuwaas oo doonaya in ay ikhtiyaar uga qaybqaataan wax ay ugu yeereen kacaanka waddaniga ah oo halkaas ka socda. Xubno ka tirsan xisbiga naasiistaha ee Xisbiga Iswiidhishka (Svenskarnas Parti) ayaa bilaabay fekerka ah "Tabaruca iswiidhishka ee Ukraaiina".

Sidaas oo kale waxaa iyaguna ku sugan dalkaas Ukraaiina tobaneeyo qof oo ka socda urur dhallinyaro oo lagu magacaabo Nordisk Ungdom si ay u kaalmeeyaan xisbi xagjir midig ah oo lagu magacaabo Svoboda iyo urur lagu magacaabo Waaxda Midigta (Högra Sektorn), oo labaduba ka jira dalka Ukraaiina.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".