Sawirle: Jessica Gow/Scanpix.

Dacwadaha khiyaamada caymiska oo batay iyo xukumada lagu rido oo yar

Sannadkii la soo dhaafay waxay hay’adda caymiska bulshadu heshay lacago si qaldan loo bixiyey oo gaaraaya 317 milyan oo karoon. Sidaas awgeedna waxaa boliiska dacwad looga gudbiyey dad tiradoodu gaareyso 1500 oo qof oo lagu tuhunsan yahay in ay galeen falal khiyaamo ah. Sidaasna waxaa maanta qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Boqolkiiba 17 oo qura dacwooyinkii boliiska loo gudbiyey ayaa lagu ridey xukun ah ciqaab ama wargelin in maxkamad la soo taagayo.

Wasiirka caymiska bulshada Ulf Kristersson ayaa wargeyska DN u sheegay in habka wax loo kontaroolaa uu hadda heer sax yahay, balse waxaa aad u yar dacwooyinka xukunka lagu rido.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".