Sawirle: SR

Caawimaad loo fidinayo dumarka soo maray fool xanuun badan

Jaamacadda Linköping ayaa hadda laga bilaabayaa daraasad markii ugu horreysey Iswiidhen looga bilaabayo caawimaad internet oo loo fidinayo dumarka soo maray fool ama ummulid xanuun badan oo welwel iyo walbahaar ku reebtay.

Sannad walba ilaa 1500 oo dumar ayey Iswiidhen ku dhacaan welwel maskaxeed oo kala  soo gudboonaada ilmo ay ummuleen. Qaar badan ayey taasi carqalad ka gelisaa xiriirka ay la leeyihiin ilmahooda, qaar kalena waxaa isku buuq ama buufis.

Gerhard Andersson oo ah caalin cilmiga maskaxda, kana mid ah dadka daraasadaan hoggaaminaya, ayaa rajeynaya in ay daraasani haween badan u noqon doonto caawimaad:

- Rajadeydu waxay xaqiiqadii tahay in ay daraasadaani noqoto hab wax lagu daaweeyo oo fursad u siisa dumar badan in laga caawino cabsida iyo welwelka haysta.

Isha: Ekot

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".