Sawirle: Fredrik Varfjell/TT

Tirada sigaarka iska deysa oo ku soo kordheysa Iswiidhen

Tirada dadka iswiidhishka oo sigaarka cabba maalin walba oo isa soo dhimay sanooyinkii dambe. Sannadkii 2004 waxaa sigaar cabbi jirey maalin walba 16%, halka ya tiradaasi isa soo dhintay oo noqotay 11% sannadkii hore 2013. Sidaasna waxaa lagu muujiyey natiijada waraysi la la yeeshay ilaa 20000 oo qof, oo ay soo bandhigtay Hay’adda caafimaadka bulshada. dumarka sigaarka cabbi jirey waxay iska soo dhimeen 19% oo ay noqdeen 11%, halka ay raggu iska soo dhimeen 14% oo ay noqdeen 11%.

Sidoo kale waxaa isa soo dhimay dadka isticmaala tubaakada iswiidhishka oo loo yaqaan Snus. Ragga horay tubaakada u isticmaali jirey oo ahaa 22% ayaa hadda noqday 18%, halka ay dumarka isticmaala tubaakada weli meeshoodii joogaan oo ay bulshada ka yihiin boqolkiiba 3 ilaa 4.

Laga soo bilaabo sannadkii 2004 waxay sannad walba isla qabanqaabiyaan hay’adda caafimaadka bulshada iyo maamulada goboladu baaritaan lagu sameynayo isticmaalka waxyaalaha tubaakadu ku jirto.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".