Malmö FF oo ay ku soo aadey kooxo adag

Kooxda kubadda cagta Malmö FF ayaa shalay ogaatay gruupka ay ka ciyaari doonta ciyaaraha Champions League. Malmö FF waxaa ku aadey kooxo aad u adag marka laga eego ciyaar wanaaga. Kooxahas waxaa ka mid ah kooxda weyn ee talyaaniga Juventus oo ay u ciyaaraan ciyaaryahano ay ka mid yahiin Andrea Pirlo iyo Gianluigi Buffon.

 Gruppka Malmö FF waxaa sidoo kale ku jira kooxda Atlético Madrid oo hanatay koobta La Liga ee Isbeyn xilli ciyaareedka ugu danbeeyey, welibana faynal timid ciyaarahii Champions League ugu danbeeyey.

 Sidoo kale Malmö FF waxaa sugaya kooxda weyn ee Geriiga Olympiakos. Kooxahaann ayaa dhamaan ku jira gruup A.

 16ka bisha september ayey ciyaarta ugu horeysaa dhaci doontaa oo ay fooxa isdari doonaan Juventus iyo kooxda Skåne ee Malmö FF.