Dambiilaha la shaqeeya booliska oo cinqaabta laga dhimayo

Xukumada ayaa soo bandhigtay hindise sharci badelid oo cinqaabta ka dhimaya haddi danbiilaha uu la shaqeeyo booliska. Arrinkan waxuu qoseyn doonaa dambiilaha siiya booliska xog muhim u ah baaritaanka booliska.

Wasiiradda cadaaladda Beatrice Ask ayaa fartiin saxaafadeed ku sheegtay in hindisahan uu u abuuri karo booliska fursado ay natiijo uga dhallin karaan baaritaanka si degdeg ah, taas oo xataa wax ku ool u ah ruuxa dhibanaha ah, ayey tiri beatrice Ask, wasiiradda cadaaladda. Hindisahan ayaa qorshaha yahay in uu dhaxal galo kowda bisha abriil 2015ka.