Roobab harqiyey gobolka Skåne

Nawaaxiga gobolka koonfur-galbeed ee gobolka Skåne oo ey roobabkii shalay ka da'ey caqabadeeyeen ayey weli dhibaatooyinkii roobabku ey halkoodii ka sii socdaan qaasatan marka laga hadleyo hoowlaha gaadiidka dad-weynaha ee saaka.

Nawaaxiga koonfur-galbeed ee gobolka Skåne ayey maalin keliya ku da'een roobab lagu qiyaasey 100 millimeter oo biyo ah iyadoona ay hayadda gargaarka degdegga ey soo gaareen wicitaanno lagu dooneyo taageero oo kor u dhaafaya 400. Dhabbooyinka gaadiidka oo xirmey, guryaha hoose oo biyo harqiyeen, halka dhanka kale ey 3 000 oo guri la soo gudboonaadeen koronto la'aan.

Dhabbooyinka qaarkood ayaa weli xiran, halka dhanka kale hoowlihii laga joojiyey tareenka u kala goosha magaalooyinka Malmö iyo Ystad. Waxaa sidoo kale xirnaan doona waddada ku weegaar-san magaalada Malmö.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se