Rabshadaha ka aloosan Södertälje

Habeenimadii xalay ayaa xaaladu qasantay magaalada Södertälje. Baabuur ayaa la gubay, rasaas ayaa laysku furay. Ma jiraan warbixino sheegaya in cidi ku waxyeelootay rabshadaas. Sida ay qorayso wakaalada wararka ee TT

Maalinimadii shalay oo Isniin ahayd ayaa maxkamada rafcaanku shaacisay xukuno dhaadheer oo xabsi ah oo ay ku riday xubno ka mid ah kooxda dambiilayaasha ah ee loogu yeedho Södertäljenätverket. Booliska ayaa se dhankiisa ka gaabsaday in rabshadahan xalay ee baabuur holcinta iyo is rasaasayntu ay xidhiidh la leeyihiin xukun maxkamadeedkaa.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se