Nin Swedish ah oo lagu maxkamadaynayo Denmark

Asaasihii mareegta internetka ee Pirate Bay, Gottfrid Svartholm Warg iyo 21-jir reer Denmark ah, ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay dhaceen macluumaad ku kaydsanaa koombiyuutar. Maxkamadayna ayaa maanta ka bilaabmaysa Denmark

Waxay ahayd sannadkii hore bishii Janaayo, markii booliska waddanka Sweden ogaadeen in loo dhacay macluumaadka shirkada ugu weyn Denmark ee ka ganacsata koombiyuutarada iyo macluumaadkooda ee magaceeda loo soo gaabiyo CSC, oo iyadu qaabilsan diiwaangelinta booliska waddankaas. Labada nin ee hadda la maxkamadaynayo ayaa loo haysta in ay afar bilood isticmaalayeen macluumaadka CSC oo ay koobi ka samaysteen macluumaad xasaasi ah oo shirkadu kaydinaysay.

Macluumaadka loo hayso nimankani in ay xadeen ayaa waxaa ka mid ah xoggo dad leeyihiin oo ku jiray diiwaanka boolsika ee aqoonsiga darawalnimo iyo ereyada sirta ah ee lagu furo koontooyinka masuuliyin badan.

Geesta kale, labadan nin ayaa gaashaanka u daruuray dhaleecaynta loo soo jeediyay.  

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se