Siyaasiyiinta isticmaasha mareegta Twitter

Hogaamiya xisbiga sinaanta ragga iyo dumarka Feministiska Initiativ Gudrun Schyman ayaa ah hogaamiyaha ugu isticmaalka badan mareegta bulshada ee Twitter, marka la bar bar dhigo hogaamiyayaasha xisbiyada kale. 

Inkastoo hogaamiyaha ugu saamaynta badani uu yahay Jonas Sjöstedt, horjoogaha xisbiga Bidixda ee Vänsterpartiet.

Daraasadan ayaa daaha ka fayday in tirada dadka raaca hogaamiyaha aanay metelin saamaynta, sidaa awadeed inkasto Sjöstedt ay raacan tiro dad ah oo ka yar inta raacda Gudrun Schyman haddana qoraaladiisa uu ku soo gudbiyo mareegtada Twitter way ka samayn badan yihiin kuwa Schyman.

Daraasadan waxaa sameeyay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Burson-Marsteller oo isagu falanqeeyay in ka badan 45 kun oo qoraal oo ay xisbiyada ku jira baarlamaanka iyo xisbiga sinaanta ee Fi ay ku faafiyeen Twitter. 

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se