Khadra: 31 ayaan dabaal ku bartay

Maqaal dhowaantan ku soo baxay bogga fikiradda ee idaacadda la iska daawado ee Svt oo cinwaan looga dhigay "waa xuquuq bani'aadmi-nimo in dabaasha la barto" ayay qoraayaddii maqaalkaasi Khadra Seeraar ku cabbirtay sida aanay suurtagal ugu noqon inay qayb ka ahaato qaarkood xiisadihii iskuulka, maadaama ay gabar tahay.

Halka dhanka kale ay Khadra Seeraar sheegtay in wiilasha la da'da ahaa ey xiisadaha u qaadan jireen sidii looga baahnaa:
- Dabaasha maahayn wax aan iskuulka ku bartay, waayo bay tiri Khadra Seeraar  xilligaasi waxaa suurtagal ahaa in hablaha laga reebo xiisadaha aaney waalidku xiiseeneyn maadaama aan ahaa gabar ka soo jeedda Soomaaliya.

Sidoo kale xiisadaha ciyaaraha, muusikada iyo sideeddaba xiisadda barashada dhismaha oogada bani'aadamka ayaa ahaa kuwo iga mamnuuc ahaa. Halka dhanka kale ey wiilasha aan qaraabada nahey u furnaayeen iney xiisadahaa ka qayb qaataan.

31 jir ayaan dabaal ku bartay

- Waxaan keliya oo ilma-nimadaydii aan ku fekeri jiray ama uu rabitaankaygu ahaa in la ii qadariyo sida ardeyda fasalka ila dhigata loo qadariyo. Waxaanan dabaashii yaraantaydii la iga joojiyey aan ku bartay da'da 31 jir, kuleeylihii iminka ina dhaafay.

Waa fal farxad leh dabaashu. Waa raxmad la isku qaboojiyo xilliga kuleeylaha. Sidoo kale waa ceeymis aad naftaada ku badbaadin karto haddii ay kula soo gudboonaato weliba dal sida Iswiidhen u biyo badan.

Aad iyo aad ayey ii farxad-gelisay dooddii siyaasiyiinta Ibrahim Baylan, af-hayeenka siyaasadda wax-barashada ee xisbiga Socialdemokraterna iyo Tobias Billström, wasiirka socdaalku soo ban-dhigeen gu'gii iyo kuleeylihii ina dhaafay ee lagu muujinayey caqabadaha dabaal-darrida iyo iney kub aah-san yihiin dhallaanka ku dhaqan xaafadaha ey ajaaniibtu ku badan yihiin.

Dooddii ka dambeeysay ayaa noqotay mid i murugo gelisay. Maadaama sida uu sheegay Billström ay xiisadaha dabaasha iyo barashada dhismaha oogada bani'aadamka ka jiraan faqooq rogmoon, isla-markaana aaney afar meeloodow meel iskuullada qaarkood dhallaanku ka qeyb qaadan xiisaddaha dabaasha.

Macallin ahaan waxaan la kulmaa waalidiin dooneya iney gabdhahooda ka kaxeeystaan iney wiilasha la ciyaaraan. Mana ahan mid sahlan in laga dhaadhiciyo, iyadoo weliba shaqo ahaan lagu khaldan yahay in laga ogolaado.

Dhanka kale waxaa dhacda in si looga baxsado ey dhacdo in iskuulka laga sagsaago xiisadahaa. Tallaabooyinkaa ayaa sabab in dhallaanka qaarkood aaney weligood dabaasha baran, waana mid halis ku noqon karta nafsaddooda. Halka qaarkood ey ku noqoto caqabad in aaney ilmuhu baran hab-dhiska oogadooda iyo danaha caafimaadkooda.

Baaritaan uu sameeyay war-geeyska Sydsvenskans ayaa lagu ogaadey in iskuul ku yaala magaalada Malmö loo ogolaaday in laga joojiyo laba hablood xiisadaha dabaasha caqiidadooda daraadeed. In xaaladahaasi dhacaan waa wax laga murugoodo, hase yeeshee wax macne aan ku fadhiyin laga yeelay maqaalka iyada oo loo aaneeyey iney tahay tiro aad u yar.

Waa mid aan ka argagaxo. U maleeyn maayo in sidaa loo sahlan lahaa haddii hablahaasi ey ka soo jeedi lahaayeen deegaanka Bromma.

Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in maskaxda lagu hayo shilalka geerida ee dabaal-darridu keento. In ixtiraam loo muujiyo dhaqammada kala duwan iyo hab-noleedyada waa mid soo dhoweeyn wanaag-san leh oo aan aad u qiimeeyo.

In indhaha laga qabsado iyada oo loo eegeyo qowmiyadda laga soo jeedo, diinta la aamin-san yahay iyo bah-sooca la xiriira jinsiga waa khalad weyn oo laga xumaado.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se