Romsson iyo Hirsi oo sharaxaya qaybo ka mid ah siyaasadda MP

16 min

Åsa Romsson oo ah mid ka mid ah labadaa hogaamiye ee xisbiga Miljpartiet iyo Awad Hirsi oo ah mudane ka sharaxan xisbigan una tartamaya golaha degmada Stockholm iyo barlamaand dalka Sweden ayey u suurtogashey Laanta af-soomaaliga ee radiyaha Sweden in ay su’aalo ka weydiiso siyaasada xisbiga.

 Qobadda aan ka wareysanay ayaa ah arrimaha is-dhexgalka, siyasaadda guriyaha ee xisbiga, siyaasadda ganacsiga ee xisbiga ee la xiriiirta waddamada soo koraya iyo weliba qaxootiga dhulalkooda ay cimilo xumado ku habsatay. Inta badan su’aalaha wareysigan ayaa ah kuwo aan ka soo aruurinay dhageystiyaasha la’aanta soomaaliga ee Radiyaha Sweden.

 Waxaa maxay siyadda xisbiga ee dhanka is-dhex-galka? Taas waa su’aalsha ugu horeysa ee aan weydiineyn Åsa Romsson iyo Awad Hirsi