Kashifaad cusub: FOI wadoshaqeyn sir ah la gashay Shiinaha

Hey’adda difaaca guud , FOI, ayaa sannooyin badan wado xaajood wadoshaqeyn kula jirtay dalka shiinaha, wadoxaajoodka wadoshaqeyn ayaa ku sabsanaa barnaamij komboyuuter oo loo isticmaali karo hubka wax gumaada.

Iyada oo weliba EU ay cuno qabateyn dhanka hubka ah saartay diktatoorka shiinaha. Sidaas waxaa muujinaya dokument uu helay barnaamijka dabogalka Uppdrag granskning ee ka baxa telefishinka SVT. Dokumenti ayaa muujinaya in jaamacadda KTH loogu adeegsaday si maldahan arrinkan xasaasiyadda leh.

 Barnaamijkan komboyuuter oo magaciisa la yiraahdo Edge ayaa ah barnaamij kood oo xisaabin kara maadada la yiraahdo aerodynamik (xisaabiyaha hawada iyo gaaska), waxaana maalgeliyey gaashaandhiga dalka, soo saaradiisana waxaa laheyd FOI oo wasaaradda difaaca u qaabilsan dhanka tacliinta iyo farsamada. Barnaamijka ayaa hadafkiisa ahaa in lagu horumariyo diyaaradaha dagaalka Sweden iyo weliba hubka tiirada dheer ee ay warshada hubka ee Sweden soo saraan.

Sannadkii hore ayey aheyd markii laanta Ekot ee raadiyaha Sweden kashiftey in FOI oo adeegsaneysa shirkad maldahan ay warshada hub u dhistay dalka Sacuudi Carabiya. Imminkana sida barnaamij dabogalka Uppdrag Granskning fashiley FOI iyada oo adeegsaneysa jamacadda KTH ayey u gacan gelisay Shiinaha barnaamij macagiisa yahay Edge oo ah barnaamij oo horumarsan oo loo adeegsado soo saaridda diyaaradaha iyo hubka tiirada dheer leh ee wax gumaada.

Isaga oo wareysi siinaya Uppdrag Granskning ayuu agaasimaha FOI Jan-Olof Lind qirtay in uu wax kalo socday in mashruuca barnaamijka xasaasiga ah lagu wareegiyo jamacadda KTH.

- Waan la socday markii arrinkan la soo bandhigay oo la yiri waa suurtogal in Shiinaha gacan ku dhigo barnaamijkan haddii KTH lagu wareejiyo, ayuu yeri Lind.

Uppdrag Granskning ayaa caaway ka baxi doona SVT laguna soo qaadan doonaa kashifaadan cusub.