Säpo: waxaan ka hortagnay falal argagaxiso

Laanta amniga qaranka ee booliska Sweden, Säpo, ayaa sheegtay in ay ka hortagtay oo joojisay labo fal oo argagxiso oo lala damacsaanaa Sweden. 

Sidaas waxaa wargeyska Aftonbladet u sheegay Anderss Kassman oo ah madaxa howlgalada Säpo.

Falalkan argagax gelinta ah waxaa soo qorsheeyey rabshoolayaal islaamiyiin ah oo ku sugan gudaha Sweden, iyada oo bartilmaameedka ahaa xarumo ku yaalo Sweden. Säpo ayaa falalkan la fashilyey ku ogaatay dabogalo iyo sirdoon ay sameysey.

 

Isha: Ekot, Aftonbladet