MP oo dacwad ka gudbiyey wasiiro ka mid ah xukumada

Xisbiga Mljöpartiet ayaa maanta dacwad ka dhan ah wasiirada difaaca iyo tacliinta u gudbin dooona guddiga dastuurka, si uu xisbiga ku sheegay warsaxaafadeed.

- Waa muraara dilaacay markaan maqlay in laysku dayey in la baalmaro cunoqabateynta saaran Shiinaha, ayey tiri Åsa Romsson oo ah mid ka mid ah labada hogaamiye ee Miljöpartiet.

Waa mamnuuc in hub loo dhoofiyo Shiinaha, xataa iyada oo la adeegsanayo shirkad macmal ah iyo Jamacadda KTH, balse saas oo ay tahay heyadda difaaca FOI ayaa wadoshaqeyn la sameysey Shiina iyaga oo adeegsana Jamacadda KHT, sida uu kashifay barnaamijka dabogalka ah ee Uppdarg Granskning oo ka baxa SVT.

Kashifaada barnaamijkan ka sameeyey wadoshaqeynta dhexmartay FOI iyo Shiinaha ayaa keentay in xisbiga Miljöpartiet ka gudbiyo dacwad wasiiradda difaaca Karin Enström (M) iyo wasiirka waxbarashada Jan Björklund (FP). Sida xisbiga sheegay dacwadda maanta ayey u gacan gelin doonaan guddiga dasturka ee barlamaanka Sweden.

Isha: SVT