Soomaalida Malmö iyo doorashada 2014

5:45 min

Doorashada dhowaantan dalka ka djici doonta, oo loogu magac-dartay "doorasho meeqaan ku fadhida - super val året" ayaa ka dhex abuurtay dhaqdhaqaaq ballaaran soomaalida ku dhaqan gobolka Skåne, qaasatan magaalada Malmö.

Dhaqdhaqaaqa iyo xiisaha doorashada waxay sidoo kale xiise ku abuurtay soomaalida reer Malmö ee aan weliba xaqa u lahayn iney codeeyaan. Maxamed Cali Cismaan wuxuu dalka ku dhaqnaa muddo laba sannadood ah, hase yeeshee hadalkiisa waxaa laga dhadhan-san karaa inuu u gubaneyo ka qayb-galka doorashada bishan ka dhici doonta dalka.

Fikirrada kala duwan ee qaar ka mid ah soomaalida reer Malmö oo dhowaantan aannu la kullaney mar aannu booqasho ku tagnay ayay ka mid ahayad Jamiilo Saciid Muuse kana mid ah soomaalida ku dhaqan Malmö iyada oo ka jawaabeeysa muhiimadda doorashada sannadka ay leedahay ereyadeeda ku biloowday muhiimadda doorashada sannadkani leedahay iyo cabsida laga qabo kor u kaca ururrada ku sifoobay ajnabi naceeybka:

Soomaalida ku dhaqan gobolka Skåne gaar ahaan magaalada Malmö iyo nawaaxigeeda ayey argagax ku noqotay warqado xayeeysiin ah oo ey guryahooda ugu tuureen xisbi ka mid ah xisbiyada u ololeeya ajnabi naceeybka, halkaasina oo ey ku qorraayeen ereyo ey ka mid yihiin in la qaado tallaabooyinka joojinta raashinka muslimiintu cunaan ee xalaasha ah, xijaabka haweenku xidhaan iyo wixii la mid ah. Amuurtaasina ey fajac ku noqotay soomaalida reer Malmö. Midda ey ka sinnaayeenna reer Malmö ayaa ahayd in doorashada laga qayb qaato. Asad Ibraahim wuxuu ku dhaqan yahay Malmö, isagoona sheegay in laga wanaag-san yahay dib ka cabashada oo aan la lumin suurtagalka iyo in codka la dhiibto:

Dadyoowgii aannu kula kullaney magaalada Malmö ayaaney sidoo kale ka maqneyn fikirrada dhallin-yaradu ka qabaan doorashada dhowaantan dalka ka dhici doonta. Mustaf Maxamed Haaruun, oo isagu sheegay inuu u hadlayo dhallin-yarada ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda codku maanta leeyahay.

Halka uu Mubaarik Cabdiraxmaan oo ka mid siyaasiyiinta u sharraxan xisbiga Socialdemokraterna ee magaalada Malmö uu sheegay in doorashadani keeni karto is-bedel. Isagoo sidoo kale afka mariyey caqabadaha soomaalida iyo kala soo gudboonaadey nawaaxigaa sannooyinkan ugu dambeeyey.

Halka ay Jamiilo Siciid Muuse ay uga digtay soomaalida waxyaabaha dhici kari doona haddii aaney codkooda dhiiban. Ama aaney danahooda ilaashan:

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se