Xisbiyada oo aan isku fahamsaneyd baridda afka hooyada

Sida ay xisbiyada dalka u arkaan barashada afka hooyo ee luuqadaha qoomiyadaha laga badan yahay ayaa kalo gedisan. Dalkan Sweden waxaa ka jira shan luuqadood oo ay ku hadlaan qowmiyadaha Iswiidhishka ah ee laga tirada badan yahay, luuqadahas oo dowladda ballan qaaday in ay taageereyso si luuqadahan u sii noolaadaan. Luuqadahan waxaa ka mid ah Luuqadda fiinisha, Jiddischka, meänkieli, romani chib iyo luuqadda saamiska .

Dowaldda ayaa horey jamacadaha Stockholm universitet, Umeå universitet iyo Södertörn högskola howl u siisay sidii waxbarasho u siin lahaayeen macallimiin dhiga luuqada dadyowga laga tiro badan yahay. Miisaaniyadda waxbariddan loo qoondeyey ayaa aheyd 6,5 milyan oo karoon, halka baaritaan dowladda horey u dalbatay ku taliyey in miisaniyadd intaas ka badnaato.

 Jan Björklund wasiirka tacliinta ayaa sheegay in xisbigiisa Folkpartiet aysan wax dhibaato ah ku aheyn kordhinta miisaaniyadda waxbarashadan haddii ay kororto arddeyda dhigata.

 - Waa kordhineynaa boosaska waxbarashada, laakiin taas wax micno ah kordhinmayso haddii aysan dhallinyarada dalbanin waxbarashadan. Dadka laga badan yahay waa in ayaga dadaalaan oo keenaan kuwo ayaga ka mid ah oo waxbarashadan dalbada.

 Laakiin Folkpariet, Vänsterpartiet, Socialdemokraterna, Centern iyo Moderaterna ayaa imminka dooneynin in la qafiifiyo xeerka si ay u sahlanaato hirgelinta iskuulo lagu barto luuqadaha qoomiyadaha laga badan yahay.

Xisbiga Miljöpartiet ayaan asna dooneynin qafiifinta xeerka si loo aas’aaso iskuulo lagu dhigo luuqadahan laakiin xisbiga waxuu ballan qaaday in ay ka horimaanayaan haddii laysku dayo in xeerka qoseeya arrinkan la sii adkeeyo.

Xisbiyada kalo ah Sverigedemokaterna iyo Kristdemokraterna ayaa ayagu taagersan in loo qafiifiyo xeerka hergelinta iskuulo lagu barto luuqadaha ay ku hadlaan qoomiyadaha laga badan yahay ee la aqoonsan yahay.

/ Ekot