Fi oo qarka u saaran barlamaanka Sweden

Afkaar ururrintii ugu danbeysey ee dhanka taageerada xisbiyada oo shirkada Ipsos u sameysay wargeyska Dagens Nyheter ayaa muujinaya in xisbiga Fi taageradiisa tahay 4,0 procenti oo ah tirada xisbi ku geli karo barlaamanka dalka.

 Waana markii ugu horeysey uu xisbiga Fi ka kormaro tirada isbarada lagu galo barlamaanka.

Dhanka kale shirkada kale ee Novus oo iyadana cabirta taagerada dadka ayaa muujineysa in Fi aysan taageeradeeda ka koreynin 2,5 procenti.

Aqlabiyed

Balse haddii la raaco cabirka Ipsos xisbiyada Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Vänsterpartiet iyo weliba Fi ayaa isku geyn helaya taageerada boqolkii 52 procent. Taas oo ka micno ah in xisbiyada ay wadojir ku yeelan karaan aqlabiyad barlmaanka gudahiisa hadii codbixintas natiijadeeda sidaas noqoto. Dhanka kale afarta xisbi ee alliansen ayey cabiraada Ipsos muujineysaa in ay helayaan wax ka yar boqolkii 37.

 Hogaamiyaha xisbiga Gudrun Schyman  ayaa sheegtay haddii ay soogalaan barlamaanka in ay taageri doonaan dowlad uu hogaamiyo Stefan Löfven hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna.

- Haa dabcan, waan cadeynay, waan taageereynaa isbadal dowladeed. Ma qabno in alliansen wax ka qabteen arrimaha la xiriira sinaanta iyo xaquuqul insaanka. Hadaan barlamaanka soogalno waxay sidoo kale ka micno noqneysaa in xisbiga Sverigedemokraterna aan awood tireyno, oo aysana heleyni  kaalinta ay doonayaan oo ah in noqdaan xisbi miisaan leh oo la gorgortama garabyada siyaasada.