Jaamiciyiinta farqi ballaaran ayaa u dhexeeya howl-galkooda

Waxaa sii kordhaya farqiga u dhaxeeya jaamiciyiinta dalka dibadiisa ku dhashay iyo kuwo dalka ku dhashay. Sidaas waxaa muujinaya warbaxin uu maanta soo bandhigay ururka jamaciyiinta (akademiskaförbundet).

Jaamaciinta dalka dibadiisa ku dhashay waa ka dhakhli yaryahiin, ka baago muudo badan yahiin, weliba ka badan yahiin kuwo ka shaqeeya shaqooyin ka hooseeya tacliintooda marka loo barbardhigo kuwo dalka ku dhashay. Farqiga u dhaxeeya labadaan koox ayaa maanta ka sii balaaran marka loo fiiriyo sannadkii 2001.  Ururka jamaciyiinta waxuu warbaxintiisa uu kuurgal ku sameeyey dadka leh tacliimaha kalo ah, sharci jaqaanada, dhaqaalo yahanada iyo weliba dadka leh tacliinta dhanka arrimaha bulshada.