Maamul degmo oo ka dacwooday qaabilaad caruur qaxooti ah

Caruurta qaxootiga ee imanaysa waddanka ayaa la filayaa in ay gaadho heerkii ugu sareeyay sannadkan. Dhawaan ayaa maamulada degmooyinka lagu khasbay in ay qaabilaan caruurta qaxootiga ah

Maamulada degmooyinka ee laanta socdaalku ka dalbatay in ay qaabilaan caruur ayaa waxaa ka mid ah maamulka degmada ee Östra Göinge oo imika ah maamulkii ugu horeeyay ee dacwad ka dhan ahaa go’aankaas gudbiya.

Wasiirka koowaad ee dalka Fredrik Reinfeldt ayaa mar ka hadlay go’aan maamulka degmada Östra Göinge, u sheegay wakaalada wararka ee Raadiyaha Sweden Ekot in marka hore la xaqiijiyo in maamulka degmada ee Östra Göinge uu qaaday masuuliyad badan. imikana ay arrinka ay sharciga u dubiyeen uu xushmad u hayo. Reinfeldt ayaa sheegay in maamulada degmooyinka qaar ay isa saareen masuuliyad.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se