Xisbiga FI oo dacweeyey hay’adda doorashada ee qaranka

Xisbiga sinnaanta ragga iyo dumarka ee Feministiska Initiativ ayaa dacwad ka dhan ah hay’adda doorashada ee qaranka u gudbiyay booliska. Dacwada ayaa la xidhiidha in xisbiga FI aan loo ogolaan in ay waraaqahooda codbixinta ay dhigaan safaarada Sweden ee Berlin iyo sidoo kale qunsuliyada Sweden ee New York iyo Århus. Sidaas ayay ku waramaysaa wakaalada wararka ee TT.

Geesta kale hay’adda doorashooyinka qaranka ayaa sheegtay in warbixin ahaan loogu soo gudbiyay in xisbiga Fi loo ogolanayo in ay waraqahooda dhigaan goobahaas, haddana in loo ogol yahay in doortu uu ku qoro waraaq cad magaca qofka uu u codaynayo ee xisbigaas.

Isha: Ekot/TT