Cudurka Ebola oo saameeyay suuqa dalxiiska Afrika

Shirkada Apollo ee isku duba rida safarada dalxiiska ayaa joojisay dhamaanba safaradii ay u qorshaysay in lagu tago Senegal waqtiga jilaalka. 

Dalxiisayaal badan ayaa imika ka biyo diidsan in ay dalxiis u tagaan galbeedka Afrika iyaga oo ka cabsanaya cudurkan Ebola.

Masuulka shirkadan safarada u qaabilsan saxaafada ayaa sheegay in aanay jirin wax digniin oo ka digaya in loo safro Senegal oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Sweden. Lakiin sababta ay u joojiyeen safaradoodii waddankaas ay tahay dalabkii oo yaraaaday. 

Isha: TT