"Försvaret utesluter att det rör sig om en konventionell ubåt", sa konteramiral Anders Grenstad på en presskonferens. Foto: Claudio Bresciani/TT.

Gaashaandhiga oo joojiyay hawlgalkii Skärgård

Weerar ma nihin ee waa war-bixin doon
11 min

Wasaarada gaashaandhiga ayaa saaka joojisay hawlgalkii ay wadday biyaha Stockholm Skärgård, oo socnayay muddo hal usbuuc ah

Middan ayaa ka dhigan in maraakiibtii ka qayb qaadanayay hawlgalkan ay hadda ku noqdeen dekedii ay taagnaayeen, oo heegankii ay ku jireen dib u galeen. Sida laga soo xiganayo wasaarada difaaca.

Hawlgalka ayaan xaqiijin gaadiidkii shisheeye ee lagu arkay biyaha hoostooda, sida u sheegay Anders Grenstad oo ah janan sare oo ka tisan ciidamada badda, shir jaraa’id oo uu saaka qabtay. Middaas oo ka dhigan in wasaarada gaashaandhigu  iyadoo eegaysay xaalada ammanka aanay shaacin karin waddanka iyo nooca hawsha ay waddeen biyaha Sweden gaadiidkan awoodaha shisheeye.

Balse wasaarada gaashaandhiga ayaa xaqiijinaysa in gaadiidkan in uu ahaa gujis, hawlgalkan ayaa waxaa ku baxay 20 milyan koroon, sida u sheegay Anders Grenstad 

samir.dualeh@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".