1 av 3
Photo: Leif R Jansson / TT.
2 av 3
Bild från polisens förundersökningsmaterial. Foto: Polisen /TT.
3 av 3
Fidel Ogu visar upp ärret han fick efter knivattacken. Foto: Uppdrag Granskning/SVT.

Maxkamad laashay dacwad ka dhan saddex nin oo naasiyiin ah

Saddex nin ayaa maxkamadi sii daysay, ka dib markii ay geysteen laba weerar. Weraradaas oo ahaa isku day dil iyo garaacid ka dhacday xaafada Hökarängen ee koonfurta magaalada Stockholm

Laba nin oo ka mid ah raggan ayaa taa bedelkeeda ayaa lagu xukumay qalalaase rabshado wata iyo nacayb ka dhan ah koox dad ah, oo ay ka sameeyeen mudaharaadkii Kärrtrorp ee dhamaadkii sannadkii hore. Labadan nin ayaa lagu xukumay 7 bilood xadhig ah.

Sannadkii hore, bishii diisambar ayaa laba nin ay weerareen rag ka tirsan naasiyiinta ah Svenska motståndsrörelsen (SMR) xaafada Hökarängen ee koonfurta Stockholm. Mid ayaa la garaacay, halka midka kalena mindi la geliyay. Weerarkan waxaa sababay midabka dadkan la waxyeeleeyay, sida laga soo xiganayo xeer ilaaliyaha

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".