1 av 2
The ebola virus. Photo: AP.
2 av 2
yprioten Christos Stylianides, har utsetts till EU:s särskilde ebolakoordinator. Foto: TT

Sweden oo Ebola u aqoonsatay cudur halis ku ah bulshada

Dawlada Sweden ayaa hadda cudurka Ebola u aqoonsatay in uu yahay cudur halis ku ah bulshada. Middaas oo hey’addaha u suuro gelinaysaa in ay siiso dhamaan awoodaha ay kula dagaalami karaan cudurkan

Tusaale ahaan, haddiiba qof qaba cudurka Ebola uu u soo dhoofo Sweden, in hey’adduhu ay hayn karaan dhamaan rakaabka la socda diyaaradaas, si loogu wargeliyay cudurkan iyo sida loo kala qaado.

Cudurka Ebola ayaa hore loogu aqoonsaday uu ka mid yahay cudurada khatarta guud uun ah, balse usbuucii hore ayaa hey’adda qaabilsan maamulka dhexe ee bulshada ay shaacisay in cudurkan lagu daraayo cudurada khatarta ku ah bulshada.

Geesta kale khatarta ah in cudurkan uu ku dhaco qof Sweden ku sugan ayaa ilaa hadda  ah mid aad u hoosaysay.

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".