Shaqo gelinta ajnebiga oo kordhinaysa baddeecada la dhoofiyo

Warbixin cusub oo ka soo baxaysay hey’adda qaabilsan baadhitaanka ee Entreprenörskapsforum ayaa sheegaysa in shirkadaha shaqaalaysiiya ajnebiga ay dhoofiyaan baddeecad ka badan shirkadaha kale

Warbixinta ayaa ku dhisan macluumaad  lagaga ururiyay 30 kun oo shirkado ganacsi oo Swedish ah iyo sidoo kale shaqalahooda ku dhashay waddanka dibadiisa iyo waxbarashadooda intii u dhaxaysay sannadihii 1998 ilaa 2007.

Dadka ajnebiga ee leh waxbarasho ka saraysa midda dugsiga sare ee deganaa Sweden muddo ka yar 4 sanno ayaa kordhinaya dhoofinta baddeecada ee waddamada ay ka soo jeedaan boqolkiiba 18.

Isha:SVD

samir.dualeh@sr.se