Foto: TT

Buug isku barbardhigaya dadkii ku biirey ciidankii Hitler iyo kuwa ku biira Daacish

Svenska som stred för SS
6:24 min

Todobaadkan intii lagu jirey Säpo ayaa kor u qadey tirada Sweden ka socdashey ee ku biirtey kooxaha argagaxisada ah ee ka dagaalama waddamada ay ka mid yahiin Suuriya iyo Ciiraq. Halkii tirada la tuhmayey awel aheyd 85 ayuu booliska ka dhigay 90.

Muddo hadda laga jogo 75 sanno ayaa sidoo kale boqolaal Iswiidhiyiin ahi ka socdaalen dalka si ay ugu dagaalamaan Hitler intii uu socdey dagaalkii labaad ee aduunka. Waxaa imminka soo baxay buug cusub oo uu qoray saxafi magacii yahay Boose Schön kaas oo muddo dheer u kuugalayey xiriirka Sweden iyo naasigii Jarmalka xilligii dagaalkii labaad ee Aduunka. Buuggan cusub ayuu ku soo bandhigay cadeymo sir ah oo ku sabsan Iswiidhiyiintii sida iskood ah ugu biirey kooxda naasiga aheyd Waffen-SS.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".