Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Mid ka mid ah dayuurradaha dagaalka ee shirkadda Saab Gripen NG-plan. Sawirle: Stefan Kalm / TT.

Heshiis ey qalinka ku duugeen shirkadda Saab iyo Dalka Baraasiil

Shirkadda qalabka difaaca ee Saab iyo dawladda Baraasiil ayaa kama dam,beeyn qalinka ku duugey in shirkadda Saab sdalkaasi u sameeyso daruurrado kuwa dagaalka ee gaarsii-san 36 oo ah nooca Gripen NG-Plan. Dalabkan ayaa ku kici doona qiime gaarsii-san 39,3 bilyan o okoronka iswiidhishka ah, sida ku cad qoraal saxaafadeed laga soo saaray shirkadda Saab.

- Waan ku farax-sannahey inaan is shirkadda iyo baraasiil is garab istaagaan hoowshan muhiimadda ku fadhida, sida uu qoraal saxaafadeed ku sheegay guddoomiyaha shirkadda Saab Marcus Wallenberg i pressmeddelandet.

Bishii diseembar ee sannadkii 2013 ayuu dalka Baraasiil go'aansaday in dayuuradaha dagaalka ee Gripen NG-plan noqon doonaan dayuurradaha dagaalka ee dalkaasi. Wixii intaa ka dambeeyay ayey shirkadda Saab iyo dalka Baraasiil wada-hadal u socdeen, midkaasina oo  maanta heshiis laga gaarey, isla-markaana qalinka lagu duugey.

Dayuurradaha ugu horeeya ayaa la gaarsiin doonaa dalka Baraasiil sannadka 2019, howshaasina oo socon doonta illaa iyo sannadka 2024.

Shirkadda Saab iyo wasaaradda difaaca ee dalka Baraasiil ayaa sidoo kale qalinka ku duugey heshiis wada shaqeeyn ee dhanka warshada. Sida Saab sheegtay in middaasi macnaheedu tahay in qalab tekniko ah oo fara badan laga howl-gelin doono warshadaha dalka Baraasiil muddo toban sannadood gaarsii-san.

Si haddaba heshiiskaasi u hior-galo waa in shirkadda Saab heshaa dhammaan ogolaanshaha dhoofinta qalabkaasi. Iyadoona ay shirkaddu saadaalineeyso in shuruudaha laga dooneyo la hir-gelin doono qaybta hore ee sannadka foodda innagu soo haya 2015, sida ay qortay shirkadda wararka Iswiidhenh ee TT.

                                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".