Sawirle: Janerik Henriksson / TT

FI oo lagu wado iney maalin ku yeelato toddobaadka Almedalen

Xisbiga Feministiskt initiativ (FI) ayay dhici kartaa inuu maalin u gaar ah ku yeesho toddobaadka siyaasadda ee Almedalen kuleeylaha foodda innagu soo haya. Haddii middaasi dhacdo ayuu toddobaadku isu rogi doonnaa sagaal maalmood, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN).

Xilliyadii hore ayuu toddobaadka siyaasadda ee Almedalen ahaa toddobaad uu xisbi walba maalin ku leeyahay, waa marka laga hadleyo xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka. Sannadkii 2005 ayuu maamulka toddobaadka siyaasadda ee Almedalen go'aan ku gaarey inuu ku casumo xisbiyada xubnaha ku leh gmaamulka gobolka ee Gotland isagana maalin u gaar ah uu yeesho, sida ay qortay laanta P4 Gotland.

Doorashadii dalka ka dhacday dhowaantan ayuu xisbiga FÍ ku guuleeystay inuu xubin keliya ku yeesho golaha maamul-goboleedka. Sidaa daraadeed uu xisbigu maalin u gooni ah u yeelan karaa kuleeylaha foodda innagu soo haya.

Isha /DN

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".