Ilmaha loo la' yahay qooysas lagu meeleeyo oo kor u sii kacaya

Dhallaan badan oo aan ku noolaan karin guryahooda ayaa saf ugu jira sidii ey ku heli lahaayeen qooysas ey la noolaadaan. Magaalooyinka Stockholm, Göteborg iyo Malmö ayey baahidu aad u ballaaran tahay iyadoona dhallaanka lagu sii meeleeyo hooy ku meel-gaar ah, sida uu baaritaan ku ogaadey war-geeyska Metro.

Shuruudaha adadag ee hoggaannada degmooyinku ku xiraan dadyoowga waalidiinta noqoneya ayaa laga yaabaa iney adkeeysay suurtagalladii, iyadoo natiijadu noqoneeyso in aaney degmooyinku ka soo bixi kareeyn shuruudda xeerka bulshadu qorayo ee oranaya in aaney dhallaanku ku sugnaan karin muddo ka badan 6 bilood hooy ku meel-gaar ah. Halka ey magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg mararka qaarkood dhacdo iney dhallaanku ku sugnaadaan guryaha ku meel-gaarka muddo sannad gaarsii-san, iyo magaalada Malmö uu xilligaasi gaarsii-san yahay 8 illaa iyo 9 bilood.

Magaalada Stockholm ayey dhallaan gaarsii-san 50 ku sugan yihiin hooyada ku meel-gaarka ah, kuwaasina oo dhoowraya sidii loogu heli lahaa qooys joogto ah, magaalada Göteborg ayey tiradaasi gaarsii-san tahay 100 halka ey magaalada Malmö tahay 40 carruur ah.

Källa /Metro

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".