Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Lammaane sariir wada saaran. Sawirle: TT.

Wakaaladda Socdaalka oo lagu dhaleeceeyey baaritaan darro

Ururro madax bannaan ayaa si wada-jir ah dhaleecooyin ugu soo jeediyey wakaaladda socdaalka, kuwaasina oo ku eedeeyey baaritaanno aan dhammeeyn.

Waxaa ay ku saab-san tahay haween lagula kacey falal la xiriira galmada ee xoog ah, ka ganacsiga oogadooda iyo kuwo culeeys lagu saarey ilaalinta anshaxa reerka, iyadoo ey howl-wadeennada wakaaladduna aqoon u laheyn xaaladdaha haweenkaa, sida lagu sheegay war-bixin ay soo saartay shabakadda guddiga anshaxa Iswiidhen.

Sabina ayaa ka mid ah 12-ka haween ee war-bixintan lagu soo qaatey. Sabina oo loo geeystay fal ah ka ganacsi oogadeeda ayaa lagu khasbey inay oogadeeda iibiso. Maalintii ey Swden timid ayaa guri lagu xirey, halkaasina oo ey ku sugneeyd muddo shan bilood ah illaa ay u suurtagsho inay ka soo baxsato, kolkaasina oo ay uur lahayd. Kolkii ay hooyadeed u sheegtay inay dili doonto haddii ay dib ugu soo noqoto iyada oo sidata ilmo dhileeyso ku dhashay ayay magan-gelyo ka codsatay Iswiidhen, hase yeeshee codsigeedii diidmo laga siiyey.

Anita Dorazio waxay ka mid tahay howl-wadeennadii wax ka qorey war-bixinta:
- Su'aalaha dhabta ah lama weeydiiyo, marka lama helo jawaabaha ku habboon, maxaad dalkaaga uga soo qaxday, maxaa idin soo gaarey adiga iyo ilamahaaga.

Sidoo kale howl-wadeenno ka tir-san Amnesty iyo Röda Korset ayaa u sheegay laanta wararka ee Ekot iney akhristeen baaritaanno aan dhammeeyn, hase yeeshee ey ku adag tahay iney sheegaan baaxadda arrimmahaasi.

Louise Weber, ahna madaxa su'aalaha la xiriira ka ganacsiga bani-aadamka ee wakaaladda socdaalka ayaa akhrisay baaritaanka Sabinas waana ay ku raac-san tahay in baaritaanku kala dhiman yahay oo su'aalo kale la weydiin kari lahaa:
- Su'aalaha qaarkood hoos ayaa loo dhaadhici karey.

- Miyaaney noqon karin in su'aalaha meesha ka maqan iney sabab u noqon lahaayeen go'aanka wakaaladda socdaalka ee deggenaansho?
- Haa, waa suurtagal, middaa wax kama sheegi karo, midda keliya oo aan oran karaa waxay tahay in su'aalaha qaarkood hoos loogu sii dhaadhici karey.

Källa /Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".