Suxufi Dawit Isaak. Sawirle:Kalle Ahlsén/TT

Dawit Isaak oo 50 jirsaday

Suxufiga iswiidhishka Dawit Isaak, oo muddo 13 sannadood xabsi ku jiray isaga oo aan maxkamad la soo saarin ayaa maanta 50 jirsaday.

23-kii sebteembar ayey ka soo wareegtay sannad-guuradii 13-aad kolkii xabsiga la dhigey suxufiga, middaasina oo ka dambeeysay maqaal lagu dhaleeceeyneyo maamulka. Dawit Isaak ayaa ah muwaadinka iswiidhishka keliya ee ururka caalamiga ee Amnesty u aqoonsatay inuu damiir u xiran yahay. 

Saxaafado dhowr ah ayaa maanta lagu xuseyaa konton guurada Dawit Isaak.

                                                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".