Qiimaha muqaadaraadka oo hoos u dhacay muddo 20 sannadood ah

Muddo labaatan sannadood ah ayey markii ugu horreeysay qiimahaha waddooyinka lagaga iibiyo muqaadaraadka culculus sida hero'iinta iyo anfetamiinku, uu bar hoos u dhaceen, sida ay sheegtay xarunta dhexe ee war-bixinnada ee aalkolada iyo daroogada oo magaceeda loo soo gaabiyo (CAN).

Middaa ayaa la aamin-san yahay inay ugu wacan tahay soo-saarkii maandooriyaha oo kor u kacay iyo in tiro ka badan dalka la soo geliyo, sida ay sheegtay laanta wararka ee Ekot.

War-bixinta ayaa dhanka kale lagu sheegey iney si aan badnayn kor ugu kaceen qiimaha xashiishka iyo kannabisku muddo toban sannadood ah. CAN ayaa aamin-san in ammuuraasi ugu wacan tahay dalabka, qaasatan maan-dooriyaha marujuwaanaha oo kor u kacay.

Isha /TT

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".