Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Mashruuca shaqo-abuurista dadka cusub oo la joojin doono 2016

Mashruuca shaqo-abuurista dadka cusub. Etableringslotsar
4:17 min
Xafiiska shaqada. Foto: TT

Dawladda cusub ayaa sheegtay in ay meesha ka saari doono mashruuca shaqo-abuurista ee loo yaqaan Etableringslotsar marka la gaadho sannadka 2016. 

Mashruucan shaqo-abuurista ah ee loo yaqaano etableringslotsar waxa uu ka mid ahaa mashaariicdii ay dawladdii hore ku doonaysay in ay ku horumariso bulshada ee soo bilaabmay sannadkii 2010. Waxaana mashruucan  la wareegay xafiiska  shaqada, isaga oo kaashanaya maamulada degmooyinka. Xafiiska shaqadu waxa uu wadashaqayn fiican la leeyahay shirkadaha gaarka loo leeyahay, si ay isaga kaashadaan sidii shaqo loogu samayn lahaa dadka waddanka ku cusub. Waxaanay taasi keentay in maanta  tobankii qof ba siddeed ka mid ahi ay shaqeeyaan iyaga oo ka faa'iidaystay mashruucan.

Waxa soo badanaya galdaloolooyinka uu leeyahay mashruucani. Warbixin kale oo tiifiiga SVT ka diyaariyay ayaa iyana muujinaysa in nidaamxumo ka jirto habka loo maamulo mashruucan. Warbixintan ayaa muujinaysa in aanay inta badan shirkadaha mashruucan ka shaqeeyaa  la kulmin dadka ku qoran ee ay tahay in ay caawiyaan ama ayba dhif tahay marka ay la kulmaan. Sidoo kale waxa ay warbixintani muujinaysaa in dadka shaqodoonka ahi ay inta badan yihiin kuwo safarro iska gala, taasina ay keento in kulamadii shaqodoonka iyo shirkadda caawinaysay dhexmari lahaa aanu qabsoomin. Sidoo kale waxa ay warbixintani muujinaysaa in shirkadaha mashruucan ku shaqeeyaa  ay inta badan dadka shaqodoonka ah ku soo jiitaan koombiyuutarro iyo qalab kale oo elaktaroonig ah. Dhanka kale warbixintani waxa ay muujinaysaa in  shirkadaha mashruucan ku shaqeeya ee loogu talogalay in ay suuqa shaqada ka caawiyaan dadka cusubi ay macmiishooda siiyaan goobo ay dagaan iyaga oo lacag ka qaadanaya iyo waliba in ay address uga dhigaan guryahooda, si qofka cusubi ugu qornaado shirkaddaasi.

Natiijada ay warbixintan ka soo baxday ayaa waafaqsan warbixin ay hore u soo saareen guddida xisaabaadka qaranku, taasi oo sheegtay in shirkada hawshan ka shaqeeyaa aanay ahayn kuwo masuuliyad muujiya.

Musa Mahamud Isse

Musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".