Maxkamad. Foto: Jessica Gow/TT.

Nin Iswiidhish ah oo lugu eedeeyay falal argagixiso

Sid ay sheegtay warbaahinta maxaliga ahi, ninkan Iswiidhishka ah oo da'diisu tahay 36 jir, kana  soo jeeda koonfurta waddanka Sweden ayaa waddanka Ingiriiska lagu xidhay iyada oo looga shakiyay  falal argagixisanimo.

Wali maxkamadda lama hor keenin, waxay se maxkamaddu go'aamisay in 30 bisha janaayo ee 2016 la hor keeno maxkamadda.

Ninkan ayaa dhammaadkii bishii hore ee september lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London.  Danbiga ninkan lagu soo oogay oo ah mid argagixiso ayaa keeni kara in ninkan lagu xukumo 100 sanno oo xabsi ah.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".