Xidhiidhka bulshada ee loo yaqaano Faysbuug. Foto: Sveriges Radio.

Nin faroxumayn u gaystay gabdho da'doodu yar tahay

Nin 23 jir ah oo ku nool magaalada Stockholm ayaa looga shakiyay in uu faroxumayn u gaystay 58 gabdhood oo da'doodu aad u yar tahay.

 Sida ay qortay jarriiradda Expressen, gabdhahan yar yar ayaa  qaar ka mid ah da'doodu ahayd 12 jir markii uu ninkani la sameeyay xidhiidh dhanka isgaadhsiinta bulshada ah.

Nin danbiga lagu soo oogay ayaa la sheegay in uu si qaldan ula wareegay ciwaan Faysbuug ah, halkaasina wuu kala xidhiidhay gabdhahan uu faroxumaynta u geystay. Danbiyada lagu soo oogayo ayaa uu badi galay isaga oo xidhiidhka Faysbuugga adeegsanaya halka uu dhawr jeerna uu la kulmay qaar ka mid ah gabdhaha oo uu faroxumayn u gaystay.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".