Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Madaxa bangiga dhaxe Stefan Ingves oo maanta soo bandhigey fartiin dhaqaale oo taariikhi ah. Arkivfoto: TT

Bangiga dhaxe oo hoos u dhigey dulsaarta

Sidii horey loo saadaalinayey bangiga dhaxe ayaa dulsaarta muhiimka ah ee hagta dhaqaalaha dalka hoos u dhigey. Halkii dulsaarta awel aheyd 0,25 ayuu bangiga dhaxe imminka ka dhigay dulsaarta 0,00. Waxay ka micno tahay in Sweden ay ka jirto dulsaar ebar ah.

Ujeedka bandhiga dhaxe hoos ugu dhigay dulsaarta ayaa ah sidii sicir bararka loo xoogjin lahaa oo qiimaha kor ugu kaci lahaa. Ugu horeyn billowga sannadka 2016 ayaa bangiga dhaxe saadaalinayaa in uu dulsaarta kor u qaado.

Dhaqaalaha Sweden ayaa ah mid guud ahaan adag halka sicir uu aad u hooseeyo. Sidaas daraaded ayuu bangiga saa’id hoos ugu dhigay dulsaarta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".