Ambalaans. Foto: Leif Johansson/Sveriges Radio

Gobolka Västra Götalands oo lagu eedeeyay saacadaha shaqada oo dhaadheer

Maamulka gobolka Västra Götalandsregion oo lagu eedeeyay in ayna ilaalin wakhtiga shaqaalahooda.

Sida ay sheegtay idaacadda P4, maamulka gobolka Västra Götalands ayaa shalay dacwad lagu soo oogay ka mid markii dirawal waday ambalans uu shil galay. Dirawalkan oo wakhtigaasi uu shilka galay waday qof bukaan ah ayaa maalintaasi shaqeeyay 23 saacadood oo isku xiga, taasina waxa ay keentay in uu hurdoodo oo uu waddadii si qaldan uga baxo.

Dhacdadan ayaa afar sanno ka hor ka dhacday deegaanka Trollhättan. Kristina Persson oo ka mid ah xeer-ilaaliyayaasha maxkamadda dhexe ayaa sheegtay in shilkan uu sababay wakhtigii shaqada oo intiisii dhaafay. Dhanka kale wakiiladii metelayay maamulka gobolku ma aysan keenin wax suurogal ah oo ay arrintan isaga difaacaan, sidaasi daraadeed maxkamadda ayaa arrintan go'aan ka qaadan doonta. Waxa laga yaabaa in maamulka  gobolka  Götalands  lagu ganaaxo lacag dhan 400 000 karoon.

Xigasho: TT

Musa Isse    

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".