Foto: Montage/TT

5000 qof oo magangalyodoon ah oo sharciga loo diiday

Sida uu baahiyay tiifiiga TV4, isaga oo kaashanaya ilaha laga helayo laanta socdaalka, dadka sharciga loo diiday ee ay haddana adag tahay in la celiyaa waa 5000 qof.

Tirada ayaa ah mid aad u badan marka loo eego sannadkii 2006 oo dadka diidmada la siiyay ahaayeen qiyaastii  1000 qof.

Kor u kacan ayay sabab u tahay go'aan ay maxkamadda laanta socdaalku soo saartay sannadkii 2009. Kaasi oo dhigaya in qofka magangalyo-doonka ahi uu caddeeyo qofka uu yahay iyo waxa uu sheeganayo. Haddii qofku buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay, oo aan lagu celin karin waddankii uu ka yimid, waxa uu qofkaasi xaq u leeyahay in sharci la siiyo.

Arrintan ayaa abuurtay xaalad adag oo ay la kulmayaan dadka bilaa sharciga ah ee Sweden ku nooli. Waxaanay dadkaasi ku jiraan jahawareer maaddaama oo ay wali dibadda ka yihiin bulshada oo aanay haysan wax shaqo ah iyo waliba meel ay degaan.

Xigasho: TV4/TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".