Dugsi waxbarasho. Foto: Anna Bubenko/Sveriges Radio

Xarumaha dhaqancelinta oo tacliintoodu liidato

Tacliinta laga bixiyo xarumaha dhaqancelinta ee lagu hayo dhallinyarada danbiyada gashay oo aan wanaagsanayn.

 Sida ay sheegtay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda Lund , macallimiinta dhallinyaradan wax u dhigta ayaa aaminsan in aanay dhallinyaradu si masuuliyadi ku jirto u qaadan duruusta loo dhigo. Taasina ay cawaaqibxumo ku keeni karto mustaqbalka dhallinyarada wax la barayo.

Sida ay cilmi-baadhayaashu sheegayaan qaar badan oo dhallinyarada ka mid ahi waxa ay goobta lagu hayo isaga tagaan iyaga oo aan shahaado wanaagsan haysan, taasina waxa ay keentaa in dhallinyaradaasi ay mar labaad dib ugu noqdaan danbiyadii ay hore u gali jireen oo kale.

Laakiinse guddida haayadda qaranka ee ka masuulka ah goobahan dhallinyarada lagu dhaqanceliyo kadib marka ay nolosha ka leexdaan ayaa sawir ka duwan kan cilmi-baadhista aamisan. Haayaddan oo magaceeda la yidhaa, Statens institutionsstyrelse (sis) ayaa ninka ka masuulka ah oo la yidhaa Christer Pedersen u sheegay TT in ay dhallinyaradu ku qanacsan tahay hannaanka waxbarasho ee ay ku jiraan.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".