Cunto Foto: Maja Ljung.

Suuqa shaqada ee makhaayadaha oo sannadkiiba 50 000 shaqo ka banaanaadaan.

 Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa sii yaraanaya tirada ardayda dugsiga sare dhigata ee qaadata xirfaddan.

Xiisaha ay ardaydu u qabaan barashada xirfadda makhaayadaha ayaa tobankii sanno ee inna soo dhaafay 20%  yaraatay. Sida laga soo xigtay haayadda iskuulada sannadkii inna dhaafay ee 2013 ardayda fasalka sagaalaad ee barnaamijkan qaadatay waddanka oo dhan waxa ay tiradoodu ahayd 3700 ( 2683 ). Tiradaasi ayaa ah mid aad u yar oo aan buuxin karin baahida loo qabo dad ka shaqeeya hudheelada cuntada. Sidaasi waxa yidhi ururka shaqaalaha ee makhaayadlayda, ( Restaurangfacket.)

In uu hoos u dhaco xiisaha ardayda baranaysa waxbarashadan ayaa ay sabab u yihiin shuruudaha shaqadan oo ah kuwo aan wanaagsanayn iyo mushaharka oo ah mid hooseeya.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".