Dhaca loo geysto guryaha fiilooyinka ah oo kordhay Grafik: Polisen i Värmland.

Dhaca loo geysto guryaha fiilooyinka ah oo kordhay

Tirada guryaha fiilooyinka ah ee la jabsaday sannadkan ayaa ka badan tiradii sannadkii hore. Qaybtii hore ee sannadkan oo qudha dhaca loo geysto guryaha fiilooyinka ah iyo guryaha gaagaaban ayaa kor u kacday  12% marka loo eego sannadkii 2013.

 Sidaasi waxa sheegtay guddida ka hortaga danbiyada ee loo yaqaano, Brottsförebyggande rådet (Brå). Sannaddadan danbe waxa la jabsadaa inta u dhaxaysa  21 000 ilaa 22 000 sannadkiiba. Taasi oo ah kor u kac weyn oo ah 30% marka loo eego sannadkii 2000. Guryaha inta badan la jabsadaa waa guryaha fiilooyinka, waxaanay inta badan falalkani dhacaan bilaha mugdiga ah ee dayrta.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".