Dadka xabsiyada laga sii daayo oo inta badan is dilaFoto: Mikael Eriksson/Sveriges Radio

Dadka xabsiyada laga sii daayo oo inta badan is dila

Cilmi-baadhis cusub oo uu soo saaray maxadka Karolinska institutet ayaa muujinaysa in dadka jeelasha ka soo baxaa ay  inta badan khatar ugu jiraan in ay nafta iska gooyaan marka loo eego dadka caadiga ah.

 Daraasaddan ayaa sheegaysa in maxaabiiska jeelasha laga soo daayaa  ay 18 jeer  halis ugu jiraan in ay is dilaan marka la barbardhigo dadka shacabka caadiga ah. Waxaanay daraasaddani muujinaysaa in badanaa falalka ay nafahooda khaarajinayaan dhacaan bilaha u horreeya ee xabsiga laga sii daayo. Sidoo kale waxay daraasaddani muujinaysaa in dadka balwadaha lihi ay inta badan ku kacaan falal ay nafta iskaga goynayaan.

Daraasaddan oo  lagu daabacay jarriiradda Clinical Psychiatry, ayaa baadhitaan ku samaysay in ku dhaw 27 000 qof oo lagu soo xidhay jeelasha Sweden. Cilmi-baadhisyo kale oo waddamo kale sameeyeen ayaa iyaguna muujinaya isla natiijadan oo kale.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".