Cabitaanka caanaha badan oo cimriga qofka dedejiya Photo: Frank Radosevich / Radio Sweden.

Cabitaanka caanaha badan oo cimriga qofka dedejiya

Daraasad cusub oo ay soo saartay jarriiradda loo yaqaano Uppsala Nya Tidning ayaa muujinaysa in dadka caanaha badan cabbaa ay khatar badan ugu jiraan in cimrigoodu degdego ama ay hore u dhintaan.

Daraasaddan cusub ayaa daliishanaysa tijaabo lagu sameeyay xayawaanka, laguna ogaaday in maaddada caanaha ku jirta ee loo yaqaano laktos ay isu beddesho maaddada galaktos oo keenta cimri degdeg iyo in qofku hore u dhinto. Cilmi-baadhayaasha daraasaddan sameeyay ayaa sidoo kale ogaaday in dumarka caanaha badan cabbaa ay khatar ugu jiraan in lafuhu jajabaan ama ay dildillaacaan.

Daraasaddan oo lagu daabacay jarriiradda caafimaadka ka hadasha  ee loo yaqaano British Medical Journal, ayaa intii lagu gudojiray waxa baadhitaan lagu sameeyay 110 000 qof.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".