Baahi weyn oo loo qabo dhakhaatiir. Foto: AP.

Koorasyo degdeg ah oo la siinayo dhakhaatiirta Sweden ku cusub

Si loo yareeyo baahida loo qabo dhakhaatiirta, loogana faa'iidaysto aqoonta dhakhaatiirka ka imanaysa dibadda gaar ahaan Siiriya, waxa uu gobalka Götalandsregion bilaabay  koorsooyin degdeg ah oo  afka Iswiidhishka lagu barayo dhakhaatiirta waddanka ku cusub.

Baahida loo qabo dhakhaatiirta ayaa aad u badan Sweden. Kaliya gobolka Götalandsregion ayaa baahi weyn u qaba 200 dhakhtar. Haayadda xisaabaadka qaranka ayaa sheegtay in ay mihiim tahay in la soo koobo wakhtiga lagu diyaarinayo dhakhtarka waddanka ku cusub. Waxa ay haayaddu sheegtay in  haddii hal bil laga yareeyo wakhtiga dhakhtarka wax labarayo ay faa'iido weyn dalka u leedahay oo halkaa bil oo qudha ay bulshada u badbaadayso 42 000 karoon.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".