Boostada oo shaqaale-dhimis samaynaysa

Boostada oo shaqaale-dhimis samaynaysa

Maamulka boostada Postnord ayaa meesha ka saaraya 700 ilaa 800 shaqo, shaqo-dhimista inteeda badan waxa laga samayn doonaa  waddanka Denmark.

Shaqo-dhimistan ayaa lagu sababaynayaa in ay yaraadeen dadkii boosta warqadaha ku dirsanayay. Sida ay sheegtay Postnord diritaankii waraaquhu waxa uu Sweden yaraaday 5%, halka 10% uu yaraaday waddanka Denmark.  Dhanka kale waxa  batay alaabaha laga iibsado internatka ee boosta layskugu diro.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".