Sawirle: TT

Macaash darro la soo gudboonaatay shirkadda dawliga ee Vattenfall

Shirkadda dawliga ah ee Vattenfall ayaa ku sugan xaalad aan wanaag-sanayn ee dhanka dhaqaalaha. Shirkadda oo soo ban-dhigtay xisaab-xirkii saddexdii bilood ee ugu dambeeyey ayaa lagu sheegay in shirkaddu lumisay dhaqaale gaarsii-san 20 bilyan oo koron. Halka ay shirkaddu sannadkii tagay isla bilahaa ay macaashaty 5 bilyan oo koron.

Shirkadda ayaa iminka ku talo jirta sidii ay ugu tallaab-san lahayd dhaqaale dhowrid, iyadoona la sheegay in la iibin doono qayb ka mid ah oo ka mid ahayn xudunta shirkadda, isla-markaana aan macaash tayo leh la imanayn. Waxaa ka mid ah qaybo ey ka mid yihiin shidaalka cimilada wax yeeleeya oo iminkaba lagu guda jiro sidii dib u eegis loogu sameeyn lahaa.

Isha /TT

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".