Kharashka shirkadaha gaadiidka dad weynaha oo kor u kacay

Kharashka ku baxa gaadiidka dad-weeynaha ayaa kor u sii kacaya oo aan la socon tirada kor u kaceeysa ee bulshada raacda, sida lagu ogaaday isku celcelin uu sameeyay war-geeyska Dagens Samhälle.

Siddeedii sannadood ee ugu dambeeyey ayey safarradii kor u kaceen 20% halka uu kharashka ku baxa gaadiidka dad-weynuhuna uu kor u kacay 32%, sida uu qoray war-geeyska Dagens Samhälle.

Kor u kaca kharashka gaadiidka dad-weynaha ayaa loo sababeeyneyaa inay ka dambeeyso habka qalaf-san ee tigidhada loo iibiyo iyo sidoo kale dib u dhaca beryahan dambe ku soo badanayey gaadiidka dad-weynaha, sida war-geeysku qoray.

War-geeyska ayaa sidoo kale qoray in siddeeda shirkadood ee ugu waaweyn ee ka howl-gala adeegyada gaadiidka dad-weynuhu ey lumiyeen 58 malyan oo koron sannadkii tagay ee 2013.

Isha /Ekot

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se