Laba sarkaal oo boliis ah. Sawirle: Fredik Sandberg/TT

Sarkaalada dacwad lagu oogey

Maxkamadda racfaanka ayaa maanta go'aan ka soo saari doonta dacwad ka dhan ah howl-wadeenad ka tir-san ciidanka ammaanka. Sarkaaladdan ayaa muddo ay howl ku jirtay eey ku fasaxday nin sarqaan-san, halka ay sidoo kale la dhacday ugu yaraan toban jeer bur.

Maxkamadda degmada ayaa sarkaaladda horay ugu xukuntay jir-dil oo haddii maxkamadda racfaanku xukunkaa mid la mid ah ku rido ay noqoneeysaa inay shaqada waydo, sida uu horay u sheegay guddiga anshaxa ee hoggaanka sare ee ciidanka ammaanku.

Xeer-ilaaliyaha ayaa ku macneeyay falka sarkaaladdu gashay inuu ahaa isticmaal awood sare ee jir-dil, halka uu ciidanka ammaanku sheegay inay sarkaaladdu cabsi ka dareentay ninka.

Isha /TT

                                                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".